Dareen Qabiil iyo Dawlad Qaran la isku waa !!WQ.Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale ).

Mahadin Idaylkeed  waxay u sugnaatay Allaah (SWT) ee nagu Galadaystay nimcooyin  Fara badan oo aan xisaab lahayn iyo Ergigii Alle ee suubanaa Muxamed (N.N.K.H). Intaa kadib waxaan bariidinayaa guud ahaan ummada muslimka ah, si gaar ahna  kuwa Soomaaliyeed. Asallaamu calaykum warmatullahi wabarakatuh.
Qormadeenu waxay ay daarantahay sida aad ka wada dheehateen ciiwanka kor ku xusan oo ah mowduuc  la xiriira Qabiilka iyo Qaranka, waxa aynu ka jawaabi doona inta aynu ku gudo jiro qormada afar su,aalood oo gun dhig u noqon doona qormadeena.:-
Afarta waydiimood waxa ay kala noqon doona,
⦁ – Waa maxay Qabiil ?
⦁ – Fahanka saxda ah ee Qabiilka?
⦁ – Qaloocinta Qabiilka?
⦁ – sidee la isku waafajin karaa Qabiilka iyo Dawlada?
Waxaan si qoto dheer udarsi doona mowduucan iyada oo aan isku dayi doona inaanan ka dhex bixin mowduuca ,sidoo kale waxaan jawaabo waafi ah ka bixi doonaa waydimaha oo iyagu dhex taal u noqon doona faalada.
1- Waa Maxay Qabiil ?
—————————————
Qabiilku waa ” tirayow dad ah oo uu abtirkoodu ku arooro hal oday isla markaasna isu wada ah xigto iyo xigaalo ku qotonta halka isir ee ay wadaagaan”.
Qabiilku waa ” Bulsho uu mideeyo abtirsi fac ka fac ah iyadoo ugu danbayn abtirkoodu isugu biyo shubanayo hal oday oo ay kasoo farcameen isla markaasna labaxa magaca odayga abtirkooda ugu danbeeya sidaasna ku noqda qabiil”.
2- Fahanka Qabiilka?
————————————
si aynu u helno fahan buuxa iyo macnaha dhabta ah ee qabiilka waxa aynu dib ugu noqonaynaa diinta islaamka oo ah masdarka ugu wayn ee aan cuskanayno iyo waxa uu Eebe wayne ka yiri qabiilka.
(يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ)
Macnaha Aayada ” Dad idaylkiisow annaga eebe ah ayaa idiin abuurnay idinkoo lab iyo dhedig ah, waxaan idiin yeelnay shucuub iyo qabiilo si aad isugu garataan, midkiina alle agtiisa ugu karaamada badan waa midka idinku cabsida badan Illahay waa aqoon yahan xoga gaal ah”
Hadii aynu dhuuxno macnaha aayada waxaa inooka  soo dhex baxaya in Ujeedka qabiilku yahay in la isku garto oo kaliya ee uusan daaranayn dano kale oo garashada iyo isku aqoonsiga ka baxsan.
Diintu islaamka oo udarban ka shaqaynta masaalixda ummada muslimka ah,waxaa ay u jidayso qabiilka labo arimood oo kaliya, labadaas arimood waxay kala yihiin;
B- Macrifo:  macrifadu waa in la isku aqoonsado oo la isku garto sida ay sugtay naska aayadu kor xusan.
T-Xifdin: Xifdintu waa in la ilaaliyo nasabka si loo la ilaaliyo nasab waxaa la jideeyey guur,guurka xalaasha ah ilmaha ku dhasha waxaa uu qaadanaya abtirka nin ka dhalay sida uu eeba ina faray (ادْعُوهُمْ لِآبَائِهِمْ )’ ilmaha ku dhasha sifo sharci ah wuxuu yeelayna abtir xiriir ah oo ka turjumaysa saxnaanta u kudhashay.
Fahanka saxda ah ee qabiilku waa in loo fahma in qabiilka shaqadiisa saxda ah ay tahay ilaalinta nasabka iyo in la isku aqoonsado oo kaliya.
3- Qaloocinta Qabiilka?
———————————–
sida aan kor kusoo xusnay qabiilku waxa uu uleeyahay laba faa,iido oo kaliya oo kala ahaa ilaalinta nasabka iyo in la isku aqoonsado, hadana waxaa jirta  fahamo guracan oo laga bixiyey qabiilka iyo siyaabo khaldan oo la isticmaalay.
soomalida hore waxa ay dhihi jirtay sadex baa qabiil lagu yahay (B) nin qumayn quwantii, (T) nin qatan quudintiis iyo (J) nin qaawan dhar siintiisa, marka aad eegto murtidan sadexleyda ah waxaad mooda inay si kooban macno wayn ugu bixisay waxa qabiilka loo yahay, waana fahan sax ah oo wafaaqsan sharciga islaamka iyo caqliga suuban.
marka laga soo tago u darbanaanta qabiilku u darban yahay ilaalinta nasabka iyo in la isku aqoonsado hadana waxaa jira arimo kale oo asaasi ah oo uu qabto sida in qaraabada lagu xariiriyo oo midka liita wax la taro taasina waa arin ay siwayn u bogaadisay diintu caqliyana sax ah.
Qaloocinta Qabiilku waa in qofka khaldan oo kula reerka ah aad arki waydo  khaladkiisa maadaama  ay ku indhotirtay aragtida ku dhisan casabiyadu, geesta kalana aad mucaarad ku noqotid dad badan oo saxan laakiin aad ku nacaysid cida ay kasoo jeedaan reer ahaan.
“majiro qof go,aansaday cida u noqonaya dhalasho ahaan, lakiin waxaa jira dad go,aansaday shakhsiyan qofka ay noqonayaan”.
Wixii ka baxsanaada xaydaanbka ay diinta islaamku udhistay qabiilka waxa ay noqonayaan wax khaldan oo aan la aqbali karin.
Qofka aaminsan Alle ku kalsoon kartidiisa iyo dadnimadiisa ma jirto sabab ku kalifi karta habar wacasho qabiil, balse inta badan dad aan isku kalsoonayn oo fulyada ah ayaa cuskada qabiilka si ay dano gaar ah ugu gaaraan.
erayada ay ugu horeeyaan annaga reer hebel waxaas nama qabato iyo qaadan mayno waxaa ku duula oo sifo khaldan u isticmaala dadyow magaca reerka ay sheeganayaan raba in ay ku gaaran dano iyaga u khaas ah.
Qaloocinta Qabiilka  waa qabiilka loo isticmaalay wado ka baxsan wadadii Alle u jeedeeyey wado aan ahayn.
4- sidee la isku waafajinayaa Qabiilka iyo Dawlada ?
————————————————————————
kala duwanaanshaha shaqo ee u dhaxaysa Qabiilka iyo Dawladu waxay sahlaysaa in la is waafiyo labadooda,waayo waxaa is khilaafa wixii isku shaqo qabto lakiin waxaan shaqo dhaxayn way yar tahay waxay isku qabtaaan.
Dawladu waxa ay u darbantahay danta caamka sida arimaha bulshada,waxbarashada,horumarka,midnimada iyo wax wada qabsiga. Halka Qabiilku u darban yahay ilaalinta Nasabka iyo in la isku garto oo kaliya.
Dawladu waa muraayad ay iska dhex arki karaan dad yow aan isku reero ahayn balse wadaaga dhul,dhaqan iyo diin. halka qabiilku yahay xero kooban oo qaada hal caa,ilo oo isku hayb ah.
Dawladu waa geed harwayn oo ay harsan karaan qabiilo kala duwan,balse qabiilku waa geed yar oo aan harsiin karin dawlada.
Dawlada oo la madax banaaneeyo doorkeeda arimaha bulshadaa iyo jaangoynta siyaasada iyo dhamaan hagida arimaha caamka ah iyo saamaynta qaabilka oo lagu soo koobo ilaalinta nasabka iyo in la isku aqoonsado ayaa ah kala soocid dhab ah oo lagu sameeyo qaabilka iyo dawladu oo aan marnaba isku shaqo noqon karin oo  farqi wayni udhexeeya isla markaasna loo baahan yahay in mid walba wajiibkiisa qaato si loo kala garto shaqooyinka isla markaasna la isku waafijiyo.
 Gunaanad.
Qabiilka oo loo isticmaalo sida Diinta Islaamku ay in farayso iyo joojinta ka leexinta wadadii eebe uu u sameeyey ayaa waxa ay xal waara u noqon kartaa in la helo dawlad qaran oo matasha dadka oo dhan.
W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale ).

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Dareen Qabiil iyo Dawlad Qaran la isku waa !!WQ.Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )."

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading