Dastuurka Fadaraalka miyaa wax laga badalayaa 24-ka Bishan?

Dastuurka: Kulanka Baarlamanka Labada Aqal ee loo madlan yahay 24 January 2024:

Doodda kulanka wadajirka ee loo madlan yahay waxay khuseeysaa, hab raaca loo marayo Doodaha wax ka beddelka Dastuurka; lama beddelayo qoddobo Dastuuri ah. Go’aamaadii Madasha ee 27 May 2023 qeyb kama ahan doodda Arbacada..

Waxaa loo madlan yahay in labada Aqal meel mariyaan:

1) Hay’adaha lala latashanayo
2) Maareynta Kulamada Wadajirka labada Aqal ee Baarlamanka
3) Marxadalaha akhrinta wax-ka-beddelka Dastuurka
4) Habka dood soo jeedinta Xildhibaanada
5) Habraaca Codeymaha sida tirada loo baahan yahay iyo qaabka codeynta (Qarsoodi iyo Gacan taag)
6) Nidaamka meel-marinta Dastuurka

Qoddobada kore oo dhan waa habraac shaqo ee wax ka beddelka Dastuurka. Doodihii wax ka beddelka Qoddobada Dastuurka waa dambeeyaan.

Sidaas awgeed, waxaa muhiim ah in habraaca Dastuurka aan la siyaasadeyn. Balse shaqada dambe laga fara buuxsado.

BDM


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading