Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa maanta xildhibaannada Baarlamaanka u qeybiyay Dastuurkii uu horay u sheegay in la xaday.
Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay nuqulkan oo ay ka muuqdeen qodobo ay isku raaceen lixdii Hoggaamiyeyaasha saxiixayaasha Road Map-kii dalka looga saarayay Kumeel gaarka.
Nuqulka Dastuurkan uu manta soo bandhigay guddoomiye Muudeey ayaa qodobada ku qoran qaarkood waxaa ka mid ah in muddada xil heynta madaxweynaha 5-sano, halka Dastuurka KMG ee xilligan lagu dhaqmayo uu yahay 4 sano.
Sidoo kale qodobka kale ayaa ka mid ah in madaxweynaha uu kala diri karo Baarlamaanka.
Halkan ka akhriso:-



Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.