David Caneron oo loo magacaabay Xoghayaha Arimaha Dibada UK

Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron,ayaa loo magacaabay, xog hayaha arrimaha dibadda ee dalkaas kadib isku shaandhayn lagu sameeyay Golaha Wasiirada.

Isku shaandhayntan waxaa shaqadeedii ku wayday xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman oo aad uga soo horjeeday dibad baxyada lagu taageerayo Falastiin ee dalkaas ka socday tan iyo bilowgii dagaalka Xamaas iyo Israa’iil.

David Cameron,ayaa raysal wasaare ka ahaa dalkaas 2010-kii ilaa 2016 kii oo uu is casilay kadibna ay ka dambeysay Theresa May.

Arimaha lagu xasuusto waxaa kamid ahaa inuu ahaa Maskaxdii ka danbeysay Shirkii ballaarnaa ee Somaliya iyo BC loo qabtay sanadkii 2012kii, kaas oo uu ka dhashay waxa hadda loo yaqaano ‘New Deal’.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading