Shirka khamiislaha ee gollaha wasiiradda dowladda Puntland oo uu shir guddoominayay madaxweyne K/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey ayaa lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin khatarta ka imaan karta urur diimeed cusub oo dhowaan ku soo kordhay Soomaliya, arrimaha amniga, abaaraha iyo xeerar la ansixiyay
War-murtiyeed laga soo saaray gabagabadii shirka ayaa lagaga digay khatar ay sheegeen inay ku soo korodhay Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dowladda federaalka, maamul goboleedyada kale ee dalka iyo culuma’udiinka Soomaaliya in si wadajir loo wajaho khatarta amniga iyo caqiido.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.