Dawladda Ethiopia oo xirtay shakhsiyaad ku eedaysan hurinta colaada maamulada somalida iyo Oromada .

Dowladad Ethiopia ayaa  xirtay 103 qof oo lala xiriirinayo Iska-horimaadkii Maamullada Soomalida iyo Oromada ku dhex maray Xuduudka labad dhinac u dhexeeya .

Wasiirka Xafiiska Isgaarsiinta ee Dowladda Ethiopia, Negeri Lencho oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Addis Abeba waxa uu sheegay in 98 Eedeysanayaal Oromo ah iyo 5 Soomaali ah ku lug lahaa  iska horimaadkaasi.

 

Waxa uu intaasi ku daray inay xaalladda Xuduudka Labadaasi Maamul uu haatan deggan yahay, isla markaana ay Ciiddamo Fedetal ah ku sugan yihiin

Bishii September ee la soo dhaafay waxa uu dagaal xooggan dhex maray Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda ku nool Bariga dalkaasi, iyadoo dad badan lagu dilay, halkaKumanaan kalena ku barakaceen.

 

Labada Maamul waxa ka dhexeeya Khilaaf ku aadan Lahaanshaha Deegaano ku yaallo Xuduudka ay wadaagaan oo dhererkiisu dhan yahay 1,500 KM.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading