Dowlada Puntland ayaa jawaab adag siisay Muuse Jeegaan iyo Farmaajo Miskiin

Puntland ayaa war-saxaafadeed ay goor dhow baahisay ku sheegtay in beesha caalamka ay ku wargeliyeen madaxweynaha Soomaaliland in ay isaga baxaan deegaanka Tukaraq.
 
“ Waxaa ay beesha caalamka u sheegtay maamulka inay dib uga baxaan deegaannada ay ku soo duuleen, laakin hoggaamiyaha maamulka wuxuu ku dooday inuu tagayo xadduuda uu Ingiriiska siiyay .. wuxuuna dhaga ka fureystay dhammaan soo jeedinaddii beesha caalamka wuxuuna duullan ku soo qaaday deegaanka Tukaraq ee Puntland.”ayaa lugu yiri war-saxaafadeedka oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyadda Puntland oo intaa ku daray “
 
War saxaafadeedka waxaa kaloo lagu yiri”Dhul iyo Dad ka tirsan Puntland ma bixin karo Ingiriis.. Madaxweynaha Puntland wax gorgortan ah kama gelayo deegaannada dastuuriga ah ee Puntland mana bixin karto dowladda Federaalka dhul ka mid ah Puntland.” ,
 
Hadalkan ayaa daab socday hadal uu shalay saxaafada siiyay Madaxweynaha maamulka Jeegaanta Muuse Biixi ,kaasoo sheegtay in uu tagayo Xuduudii ingiriiska,
 
Sidoo kale war saxaafadeedkan ay soo saartay Dowlada Puntland waxuu imaanaya iyadoo Madaxweyne Farmaajo isku dayay in uu Puntland cadaadis ku saaro in aysan dhulkeeda iyo dadkeeda difaacin.
 
Dowlada Puntland ayaa Farmaajo usheegtay in uu faraha kala baxo arimahan ,sababtoo ah mahan kuwo uu wax ka og yahay,wax ka yaqaan,taariikhdeeda la socdo,isla markaana uu ku filan yahay waxkaqabadkeeda.
 
Farmaajo waxuu dabacsanaan umuujiyay Muuse Jeegaan Hargaysa.

 

 

Halkan hoose ka akhriso:-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading