Dayac weyn oo ka muuqda Garoonka Cabdullaahi Yuusuf Gaalkacyo

Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo in uu Muuqaalkaas Lahaado 20-Sano kadib,waa ilhaamo iyo foolxumo Puntland.

Geedo Quracyo ah iyo Dad diyaarada hoos dhooban in muuqaalkiisu Maanta yahay,waa nasiibdaro xaqiiqdii.

Garoonku,wuxuu kuyaal goob muhiima oo dhamaan Gobolada Somaliya iyo Dawlad Deegaanka Somalida usiman oo masaafo ahaan Gobolo badan iyo Bulsho Badan ayuu Muhiim uyahay.

Lagama Faa iidaysan Garoonka oo sidii Sac irmaan,ayaa Lacag laga Gurtaa waxna dib looguma celiyo.

Garoonkan Dowladii Gaas waxba uma qaban,tii Deni ee ka danbaysayna waxba uma qaban.

Haatan MW Deni Mudug ma uga dhigi doonaa waajibaad Shaqo oo taariikhda ugala iyo abaal celin dhismaha Garoonkaas muhiimka ah?

Garoonka Cabdullaahi Yuusuf sida uu yahay laguma sii daawan karo,waana ku Ceeb kuwa masuuliyiinta sheeganaya ee Sawirada kusoo galaya,iyagoo dhoola cadaynaya.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading