Hogaanka Nabadgalyada Deegaanka Somalida Mubashir Dubad Raage,ayaa ku wareejiyay Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabelle taageero iskugu jirta Raashin,Shidaal iyo 2-Gaari oo Anbalaas ah.

Gurmadkan,ayaa loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka ay alshabaab kula jiraan Maamulka Hiiraan.

Agabkan iyo wareejintooda waxba kama kalama socon Madaxweyne Mustafe,waxaana hogaanka Nabadgalyada toos looga soo amray Adis-ababa.

Isku day hor istaag oo ka yimid Xaafiiska Mustafe,waa dhicisoobay oo Xaafiiska Abiy,ayaa amray in hogaanka looga danbeeyo arimaha amniga.

Mubashir Dubad iyo Madaxweyne Mustafe,waxaa dhexyaala khilaaf fogaaday oo gaaray heer Gacan qaad,waxaana muuqata in hardankii Siyaasada garabka Mustafe looga adkaaday oo hogaanku ka helay taageero dhanka Fadaraalka.

Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.