DEBRETSION”KINIISADAHA ORTHODOX-KA WAAN KALA BAXNAY”.

Hoggaamiyaha TPLF,Debretsion ayaa Kiniisadaha Orthodox-ka ku eedeyay inay siyaasadda ku dhex-milmeen oo ay la kala safteen shacabkoodi,isagoo xusay inay dabka kusii shidayeen dagaal shacab baddan oo Tigree ah lagu xasuuqay,waa sidduu haddalka u dhigaye.

“Xadhigoodii waan jarnay,xidhiidh dambe yeellan mayno.Diinteena annagoo Tigree ah ayaan ilaashanaynaa”; ayuu yidhi Debretsion.

Laba Sanno kahorna Oromada Orthodox-ka ayaa sheegay inay samaysan doonaa hanaan u gaar ah(Luuqada Oromada),xiligaas waxay sheegen inay ka lug-baxayaan qorshaha kiniisadaha Orthodox-ka.” Af-Oromo ayaan ku baryaynaa,Iyasus-ku wuu naga aqbali”;ayuu qays Belay oo qorshan haggaya(Axmari kaliya inay Ilaahoda ku baryi karaan ayaa laga dhaadhiciyay.”

Kiniisadaha Orthodox-ka ayaa ahaa kuwo qarniyo baddan siyaasada Itoobiya majaraha u hayay,waxayna ahaayen kuwo qorshe baddan fulliya oo noqday xadhig isku xidha buurralayda waqooyi(Axmaro+Tigrey).

Isbadalka kadib waxaad mooda in wixii kaliyee buurralayda mideynayay lagu kala fogaaday.(Qorshaha Kiniisadaha).


VOSS TV


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading