
Warbaahinta degaanka Axmaarada ayaa maanta sheegtay inuu xidhmay jidka u dhaxeeya Addis ababa & Bahradar, waxayna sababta ku sheegtay in buuri kuusoo duntay wadata ayna hay’adda jidadka Ethiopia ku hawlan tahay inay furto.

Ururka OLA ee Oromada ayaa sheegay shalay inay xidheen jidkan oo sii dhaxmara degaanka Oromia ayna qabsadeen goobo muhiim u ah isu socodka Addis ababa & caasimada degaanka Axmaarada ee Bahradar.

Miday dooniba ha noqoto balse haduu xidhmay jidkaasi oo ahaa mid kaliya ee hadda isku xidha Addis & degaanka Axmaarada intiisa badan waa go’doomin uu wajahayo degaanka Axmaaradu. TDF ayaa qabsatay marinka Woldiya oo muhiim u ahaa isu socodka degaanka Axmaarada.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.