Deg-deg:-AS oo Hoobiyayaal ku garaacay Xerada Xalane

Daqiiqado ka hor,waxaa Hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Diblomaasiyiinta Shisheeye ee Xalane.

Shalay Wadada kaliya ee Madaxdu marto markay Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade usocoto,ayaa Qarax lagu weeraray kolonyadii MW,waxaana la burburiyay mid ka mid ah Sadexda Gaari ee Calanka la saaro,balse nasiib wanaag kii uu ku jiray MW ma noqon,malaha xogtaa ka khaldantay.

Waxaa kasii horeeyay digniino amaan oo sababay in uu xirmo Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade.

Waxaa kasii horaysay in RW Itoobiya oo soo degaya lagu weeraro Hoobiyayaal.

Waxay umuuqataa in AS awood muuqata soo geliyeen gudaha Xamar.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading