DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo qaadacay muddo-kordhinta Farmaajo sameystay

Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa qaadacay muddo kordhintii ay sameysteen Goleyaasha DFS Soomaaliya ee Wakhtigu k dhammaaday, Baarlamaanka Puntland ayaa go’aankan ku gaaray ka dib kulan ay warbixin uga dhegaysteen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka Golaha Wakiilada oo uu Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-Xigeenka koowaad Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, waxaana kulanka soo xaadiray 52 Mudane .

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku qaadacaymuddo kordhintii ay sameysteen Goleyaasha DFS Soomaaliya ee wakhtigu ka dhammaaday, 49 Mudane ayaa u codeeyay, 1 Mudane ayaa diiday, 2Mudane ayaa ka aamusay.

Waxaa weli socda la tashiyo Madaxweynaha Dowladda Puntland la leeyahay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, Iyadoo dhowaan Puntland soo saari doonto mowqifkeeda ku aadan muddo kordhinta sharci darada ah ee uu sameystay Madaxweynihii DFS ee Wakhtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading