Ciiddanka Ammaanka Dalka Australi ayaa sheegay inay shalay gacanta ku dhigeen 20- jir dhalashada wadankaasi haysta, asal ahaana ka soo jeeda Somalia, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu weerar geysan rabay, xilliga lagu guda-jiro dabaal-degga sannadka cusub ee Milaadiga ee 2018-ka.
Shabakadda Wararka Australia The Eepoch ayaa manta qortay in eedeysanaha shalay lagu qabtay degaanka Werribee ee galbeedka magaalladda Melbourne. HALKAN KA AKHRISO.
Taliye-xigeenka ciidamada Birmadka Gobalka Victoria, Shane Patton ayaa u sheegay Warbaahinta inay qabteen nin Muslim ah oo ay waalidkiisu Somali yihiin, kaasi oo ay ciiddan ka tirsan Police-ka la-dagaalanka Argagixisadda su’aalo weydiinayaan.
Shane, wuxuu cadeeyay in shaqsigan uu dononayay inuu wayeelo ka gaysto fagaaraha Federation Square oo lagu qaban doono dabaal-dega sanadka cusub ee 2018, balse wuxuu xusay inay baaritaan adag ku samayn doonaan.
DAAWO MUQAALKA EEDAYSANAHA.
WATCH: Your news NOW! Here’s @Sandra_Sully with the #TenNews online bulletin. Full details at 5pm on TEN. pic.twitter.com/SKTCH0aX5w
— TEN Eyewitness News (@channeltennews) November 28, 2017
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.