DEG-DEG: Dagaal culus oo ka bilowday Gobalka Mudug

Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidanka Galmudug oo garabsanaya Shacabka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab uu ka soconayo degmadda Wisil ee Gobalkaas.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Kooxda Al-Shabaab ay saaka weerar kusoo qaaday saldhig ay lahaayeen Ciidanka Daraawiishta Galmudug. Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalka oo ah mid xooggan la isku adeegsanayo hunks noocyadiisa kala duwan.

Ma jirto faahfaahino dheeraad ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading