DEG-DEG: Dagaal ka bilowday Gobalka Sanaag

Wararka ka imaanaya Gobalka Sanaag ayaa sheegay inuu dagaal beeleed mar kale ka qarxay buuraleyda Shidan ee woqooyiga gobolkaas.

Dagaalkan oo u dhexeeya Labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Somaliland ayaa galaaftay nolasha 4 qofood, waxaana jira dhaawacyo kale oo ka dhashay dagaalka.

Dagaalka deegaanka Shidan oo salka ku haya muran dhuleed ayaa marar dhowr ah soo laalaabtay, waxaana kan maanta bilowday uu yimid kaddib markii Ciidanka Somaliland ay garab soo siiyeen maleeshiyo beeleed kasoo jeeda Somaliland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading