DEG DEG – Dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabelle oo ka socda Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Hirshabelle, laguna taageerayo Yuusuf Dabageed oo dhowaan laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Dadka ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin Hal ku dhigyo ku aaddan dibadbaxyadooda, iyaga oo sheegaya in masiirkii Hirshabelle la dhumiyey.

Dibadbaxayaasha ayaa waddooyinka qaar ee B/weyne waxay ku jaren dhagxaan, iyadoo meelaha qaar uu joogsaday isku socodka gaadiidka magaaladaasi.

Dadka ayaa sidoo kale diiddan xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyey Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading