Garowe – Digreeto ku suntanayd L. No. 7 oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland Cabdulaahi Cali [Tima-cadde] waxaa lagu magacaabay xog-hayaha cusub ee degmada Garowe.
Wasiir Dhaga-cadde ayaa xog-haye cusub u magacaabay Maxamuud Cali Xassan, kadib muddo labo sano ah oo xilkaasi hayay Cabdiqafaar Cabdirahmaan, isla markaana dhawaan shaqadii ka joojiyeen golaha deegaanka Garowe, iyagoona ku eedeeyay shaqo gudasha la’aan.
Xog-hayahan cusub ayaa horay u soo noqday Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda wadooyinka Puntland [PHA].
Hoos ka akhriso digreetada lagu magacaabay Xog-haye Maxamuud.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.