DEG-DEG: Golaha Wasiirada Puntland oo hada lagu dhawaaqayo.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helayno Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa Sheegaya in Daqiiqado kaddib la Shaacin doono Liiska Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Warbaahinta Dowladda ayaa la filayaa in laga Baahiyo Liiska Golaha Wasiirada, Iyadoona Dadaalkii ugu dambeeyay oo ku aadan ku dhawaaqista Golaha Wasiirada uu soo xulay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ay socdaan.

Wararku waxaa ay Sheegayaan in Madaxweyne Deni uu soo Xulay Wasiiro Kooban, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 18 Wasiir iyo Wasiir ku-xigeeno, sidoo kalena la isku Dheeli tiray.

Madaxweyne Denni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa saacidihii ugu dambeeyey wada lahaa kulamo iyo shirar wada tashi ah oo ku aadan magacaabista wasiirada Puntland oo hada lagu dhawaaqi doono.

Wixii kasoo Kordha kala Soco Idil News

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading