DEG-DEG: Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Shir Jaraa’id ku qabanaya Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa goor-dhaw Shir jaraa’id ku qabanaya xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe, kaddib markii ay soo gaba-gaboobeen kulamo Wadajir ah oo Labada Madaxweyne iyo xubno kamid ah Golayaashooda socday Labo maalmood.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa soo saari doona War-murtiyeed ay ku shaacinayaan qodobo cusub oo ku saabsan xaalada Doorasho ee Dalka, iyagoona lagu waddo inay ku dhawaaqaan inay tagayaan Magaalada Muqdisho oo ay ka furmayaan Shirar lagu go’aaminayo doorashooyinka Dalka, oo ay garwadeen ka tahay Beesha caalamka.

Shirka Jaraa’id kala soco goor-dhaw Warbaahinta Idil News.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading