DEG DEG – Puntland oo dalacsiisay 3 Taliye oo kasoo goostay Somaliland iyo duq degmo.

Dowladda Puntland waxay goordhaweyd deegaanka Balli-busle ee Sanaag ku dallacsiisay saddex Taliye oo kasoo goostay Somaliland.

Taliyaasha Xuseen Dheere iyo Xayle Xaaji oo hore uga tirsanaa ciidamada millteriga Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa loo dalacsiiyey gaashaanle sare halka Taliye Jaamac Dhakaar oo degmada Dhahar haystayna loo dalacsiiyey gaashaanle dhexe, taliyaashan ayaa la sheegay in ay wateen ilaa 1,000 askari.

Waxaa sidoo kale Puntland ay billad sharafsiisey badhasaabkii Somaliland ee gobolka Badhan oo isna goostay Cali Xuseen Maxamed.

Munaasibaddan waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiim Dhoobo-daareed, Wasiirrada Amniga, Waxbarashada, Xanaannada Xoolaha, Wasiir kuxigeenno, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading