DEG-DEG: Sheekh Shaakir oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa goor dhow loo doortay Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna Waljamaca, kadib codeyn ka dhacday magaalada Dhuusomareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa doortay xildhibaanada baarlamanka Galmudug ee shalay ay soo dhistay Ahlu-Sunna, waxaana la sheegay inay la tartameen laba musharax oo markii dambe u tanaasulay Sheekha.

Xildhibaanada ayaa tanaasulka kaddib codeyn gacan taag ah qaaday, kuna doortay Sheekh maxamed Shaakir inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Arrintan ayaa imaaneysa ayada oo dhinaca kale Baarlamanka Galmudug ee garabka dowladda taageersan ay maanta dhageysteen hadal-jeedinta musharaxiinta madaxweynaha Galmudug, waxaana ay berri dooran doonaan Madaxweyne.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading