Shirka wada-tashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka, ayaa goor-dhaweyd ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ah mid horudhaca ayaa waxaa Shir-guddoominaya Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, waxaana ka qeybgalaya Madaxweynaha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.
Shirka maanta ayaa looga hadlay Ajandaha Shirka wada-tashiga doorashooyinka, waxaana Shirka si rasmi ah loo guda gali doonaa berri oo Axad ah.








Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.