DEG-DEG: Xildhibaan Cali Dhahar oo geeryooday

Alle ha u naxariisto Xildhibaan Cali Axmed Dhahar oo kamid ahaa Golaha Wakiillada Puntland oo u geeryooday dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur oo ku galay duleedka degmada Badhan ee Gobalka Sanaag.

Geerida Marxuumka ayaa waxaa inoo xaqiijiyay qaar kamid ah Masuuliyiinta Dowladda Puntland.

AUN Marxuum Xildhibaan Dhahar ayaa saaka ka amba-baxay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland si uu u gaaro Aaska hooyadii oo xalay ku dhimatay isla degmada Badhan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading