DEG DEG – Xisbiga Waddani oo kashifay xiriirka u dhaxeeya Somaliland, Sanbaloolshe & CC Shakuur (Daawo)

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab ayaa waxaa uu ka hadlay kulan dhawaan Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiramaan Cabdishakuur Warsame.

Cismaan Afgaab oo shir Jaraa’id warbaahinta Maanta ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Kulmiye iyo Cabdishakuur Warsame kulan yeeshaan,hayeeshee ay dhacday marar badan oo horey in kulamo yeesheen.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ayuu sheegay in Magaalada Hargeysan uu yimaado Taliyihi hore ee Ciidamada Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Sanbalooshe,isla markaana Mas’uuliyiinta Xukuumadda Somaliland ay kusoo dhaweeyaan Garoonka ayna Hargeysan ka dejiyaan Hotel.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading