DEGDEG: Maleeshiyaadka Daacish oo dhexdooda dagaal ka qarxay

Maleeshiyaadka ka wada tirsan Kooxda Daacish ayaa jimcihii ku dagaalamay Buuraleyda Gobalka Bari, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil kamid ah Hay’adaha Amniga Puntland.

Dagaalka oo ka dhacay agagaarka Deegaanka Dhaadaar ee buuraleyda Calmiskaad, ayaa galaaftay nolasha 5 kamid ah Labada garab ee Kooxda Daacish.

Saraakiisha Amniga ayaa sheegaya in dagaalkan oo soo taagnaa muddo uu salka ku hayo muran ka taagan cida badaleysa Hoggaamiyaha Kooxda Daacish Cabdulqaadir Muumin, oo la ildaran haatan cudurka Macaanka (Sonkorta).

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading