Degmada Ceeldheer Ee Gobolka Galgaduud oo Alshabaab lagala wareegay

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dadka Deegaanka,ayaa maanta la wareegay Gacan ku haynta Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud oo sanado badan ay Gacanta ku hayeen Maleeshiyada Al-Shabaab.

Qabashada Ceeldheer,ayaa waxaa xaqiijiyey Wasiirka Gaashnaadhigga Somaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo sheegay in si nabad ah ay kula wareegeen Ciidamada.

Waa magaaladii Saddexaad oo ka tirsan Deegaamada Maamul Goboleedka Galmudug oo ay Ciidanka Dowladda ka qabsadaan Al-Shabaab muddo Laba maalmood gudahood ah.

VOA.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading