Degmooyinka Puntland oo lagu wareejinayo Maamulka Caafimaadka

Waxaa maanta ka dhacay wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland shir ay isku yimaadeen wasaaraddaha caafimaadka iyo arimaha gudaha sidoo kale waxaa joogay saraakiil ka socotay xafiiska hormuudka arrimaha maamul baahinta Puntland oo kamida xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka, waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay qaar kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka qaadkood.

Shirka ayaa looga wada hadlay sidii hawlaha caafimaadka asaasiga ah qaarkood loogu wareejin lahaa degmooyinka taasoo qaar kamid ah degmooyinka horay wasaaraddu ugu wareejisay kuwa dhimana gacanta lagu hayo wareejintooda.

Shirka inta uu socday ayaa lagu lafa-guray sidii caqabadaha jira loogu gudbi lahaa ugu danbeyna waqtiga ugu dhaw lagu wareejin lahaa dawlaha hoose maamulida caafimaadka ee degmooyinka.

Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo shirka ka hadlay ayaa yori:-

“Waxaan soo dhawaynayaa kulankaan inaan wada qaadano inaga oo ka wada arinsanayna sidii loogu daadajin lahaa gaar ahaan caafimaadka oo qorshaheeda mudo wasaaraddu soo waday qaar kamid ah degmooyinkana laguba wareejiyay kuwa dhimana aan qorshaynayno inaan sida ugu dhaw ugu wareejino, waxaa sidoo kale wasaaraddu yeelan doontaa korjoogtayn iyo la socosho si aanay hoos ugu dhicin shaqada socotay.”

Qaar kamid ah gudoomiyaasha ka soo qaybgalay shirka ayaa dhankooda soo dhaweeyay maamul baahinta la samaynayo gaar ahaan caafimaadka waxaana ay ka hadleen caqabadaha jira iyo sidii la iskaga kaashan wasaaradda iyo degmooyinka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading