Dekeda Garacad oo si rasmi ah loogu wareejinayo Imaaraadka

Heshiis hordhac ah oo isfahan,ayay la gaartay Imaaraadka Shirkada Wadaagsin ee Maamusha Dekeda Garacad.

Heshiiska,waxaa Cod uqaaday Gudiga oo ka kooban 9-Xubnood,waxaana ogolaaday 6-ka mid ah.

Heshiiska rasmiga ah,waxaa soo saxiixaya MW Deni Bishan gudaheeda,iyadoo uu ka dhacidl doono Imaaraadka.

Dekeda Garacad,way ubaahan tahay maalgashade caalamiya marka la qiimeeyo heerka ay soo gaartay;si gaar ah Imaaraadka,waa muhiim in uu qayb ku yeesho Dekeda.

Wadada isku xirta Garacad-Galkacyo,haatan,waxaa loo kala socdaa Afar Saac oo wax badan,ayaa laga qabtay.

Keenista Alaabaha,waa ka Jaban tahay Dekedaha kale oo Halkii Kunteenar,waxaa laguugu keenayaa $1300,halka markii hore uu ka ahaa $2400,waxaad kaloo helaysaa Maraakiib kuu qaada Alaabtaada xili walba.

Sidoo kale,waxaa gabagaba maraya Maxjarka Xoolaha,waxaana la filayaa in uu dhawaan Shaqo bilaabo.

Maxjarka marka Xariga laga jaro,waxay noqon doontaa Dekeda Garacad halka ay ka dhooofaan Xoolaha ugu badan guud ahaan Dekedaha Somaliya.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading