Dekeda Garacad oo si rasmi ah loogu wareejinayo Imaaraadka

In Dekeda Garacad lagu wareejiyo Shirkad imaaraatiya,ayay isku raaceen Mulkiilayaasha Dekeda Garacad.

Sidoo kale,waxay markale mudo xileed siiyeen Gudigii hayay Shaqada Shirkada Wadaagsin ee Dekeda Maamusha.

Tani waxay ka dhigan tahay in Dekeda 60% Saamigeeda laga iibinayo Shirkada Abu-dhabi ee Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale mudo 30-Sano ah,ayaa heshiiskaas jirayaa oo Qandaraaska Shirkada lagula jirayaa.

Shirkada Imaaraatiga ah,ayaa kusoo kordhinaysa Dekeda Garacad……

1.Wadada Garacad-Goldogob.
2.Dry Port.
3.Hangaro.
4.Qaybaha Dekeda ka haray.
5.Wiishashka.

Sidoo kale,waxay Shirkadu keenaysaa Ganacsi balaaran oo heer caalami ah oo Magaceeda loo isticmaalayo.

Maalgashiga Shirkada Imaaraatiga ah ee Dekeda Garacad,ayaa u ah fursad weyn oo ay heshay Dekeda Garacad iyo Wadada Garacad-Goldogob.

Horay ayay Gudiga Maamula Shirkada Wadaagsin ee Dekeda Garacad,waxay heshiis isfahan ula galeen Shirkada Abu-dhabi ee Imaaraatiga ah.

Hantilayaasha Dekeda Garacad,ayaa Shir uga socday Gaalkacyo maalmihii lasoo dhaafay Maanta,ayuu si rasmi ah usoo xirmay.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading