Deni iyo Jabiye oo khilaaf hor leh ka dhex qarxay

Kulan usocday ku dhawaad 6-Saac MW Deni iyo Gudoomiye Jabiye,ayaa kusoo idlaaday faashil.

Arinka laga wada hadlay ee laysku afgaran waayay,waxuu ahaa in MW Deni aqbalo soo jeedintii 3-Xisbi ee ahayd in MW ay doortaan Xildhibaanada,halkii Shacabku ka dooran lahaa.

MW Deni arinkaas,waa diiday,waana kusoo ceshay Jabiye.

Jabiye dhankiisa,waxuu Deni usheegay in uusan doorashada kala qaybgalayn oo uusan la tartamayn,haduusan aqbalin soo jeedintooda.

Deni kuma kalsooni qabo hadii MW uu dooranayo Baarlamaanka,waxuuna aad urabaa oo kalsooni ku dareemayaa Shacabku in ay doortaan MW.

Halka Mucaaradku ku niyadsan yihiin Baarlamaanka oo doorta MW.

Jabiye waa Oday wakhti iyo dhaqaalaba geliyay hirgelinta Dimuqraadiyada oo waliba Deni usoo hiiliyay xiliyo adag.

Deni ma u abaal gudi doonaa Jabiye??

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading