Puntland ayaa tagaysa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo in uu iclaamiyo dhowaan Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayna garwadeenka ka yihiin saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan safiiradda Mareykanka, Ingariiska iyo Qaramada Midoobay.
Wafti ka socda Puntland, uuna hoggaamin doono Madaxweyne Siciid Deni ayaa ka degi doona Muqdisho. IDILNEWS ayaa xaqiijisay in uu ku qancisay Dowladda Mareykanka oo muhiim u ah Puntland, kana gacan siisa arrimo uu kamid yahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Siciid Deni ayaa loo arkaa in ay u tahay fursad siyaasadeed, maadama la xaqiijiyay in uu yahay musharrax Madaxweynaha DFS doorashada 2026 ilaa 2027.
Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in uu jiro xiriir dhanka khadka Telefoonka ah oo dhexmaray Deni iyo Xassan Shiikh, kaas oo hadda maraya meel wanaagsan. Wararka ayaa intaa ku daray in ay dhici karto in wafti ka socda Xassan Shiikh uuna hoggaaminayo Wasiirka Dastuurka XFS Xassan Macalin oo ah gacantiisa midig uu imaan doono Boosaaso.
Deni ayaa doonaya in hadda loo soo daayo mashaariicda ka taalla Puntland Muqdisho, kuwaas oo uu doonayo in ay ka ridaan culeysyada gudaha, uuna ka sameeyo dhaqaale biiraya olalihiisa doorashada Villa Somalia oo hadda uu u xirxiran yahay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.