Deni oo Hanbalyo udiray Gudoonka Aqalka-sare Ee la doortay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

“Waxaan u hambalyeeynaya Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya, Guddoomiye Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markale noqday Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee cusub Sen. Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade.

Doorashada Guddoonka Aqalka sare waa dhameystirka dhismaha Hay’addo sharciyad haysta oo bud-dhig u ah Dowladnimada dalkeena, waxaan u rajeynaya Guddoonka Aqalka Sare in alle u fududeeyo masuuliyada iyo xilka loo doortay.

Waxaan inoo rajaynaya sidoo kale in Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka JFS iyo tan MadaxweynahaJFS ay si wanaagsan inoogu qabsoomto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading