Deni oo ka qaybgalay shirka amniga Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Gaalkacyo, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Gobolka Mudug.

Kulanka oo looga hadlay Amniga Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska ee Dowladda Puntland, La taliyeyaasha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhabaano qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ee Gaalkacyo ku sugan.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading