DENI oo qado-sharaf uu sameeyay Madaxweynaha Jubbaland iyo Waftigiisa (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Kulan Qado Sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee sugan Garoowe.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Madaxweyneyaashii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas , Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Goleeyaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland .

https://youtu.be/4TFh3bAdg3c

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading