DF Soomaaliya oo ka hadashay kulan dhex-maray Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro kamid ah XFS

Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuunadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan habeen ka hor dalka sacuudiga gaar ahaan magaalada Mina oo ay u joogaan gudashada waajibaadka Xajka ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabi & Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Wsiir Cawad oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in kulankaas uu ahaa mid ay isku dhex arkeen Masjid,isla markaana isaga iyo Wasiirada kale ee dowladda ay halkaasi ku arkeen Madaxweyanaha Soomaaliland salaana ugu tagen.

Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa intaasi ku daray in kulankaasi ay isku muujiyeen inay ahaayeen dad walaalo ah oo isku hiloobay, hayeeshee kulankaasi uusan aheyn mid siyaasadeed oo gaar ah.

Kulanka Magalada Mina ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro ay ka mid ahaayeen, Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhafay aad looga hadal haayay Baraha Bulshada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading