DFS oo beenisay inay cabasho ka gudbisay heshiiskii dhexmaray PL & CCECC

Wasaaradda arrimaha debadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in ay cabasho ka gudbisay heshiis ay xukuumadda Puntland shalay la saxiixatay shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha oo ku saabsan fulinta mashaariic dhanka kaabayaasha dhaqaalaha.

Qoraal saaka ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo ay ku qorontahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay cabasho la xiriirta heshiiskaasi u gudbisay safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay” ayaa lagu yiri qoraalka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading