DFS oo la wareegtay Malaayiin Dollar iyo Akoono ka badan 100

DFS,ayaa ku guuleysatay in ay xayirto lacag gaaraysa Todobo Milyan dolar ($7 Million).

Sidoo kale,waxay Dowladu xayirtay 670 Taleefan Lambar iyo 110-Akoono Ganacsi.

Hawlgallo lagu beegsanayey dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee kooxo lala xiriirinayoargagixisoada,ayay DFS waday waayahan.

Sida lagu baahiyey warbaahinta DFS,ayaa intaas ku dartay in la wareegista Lacagtan loo cuskaday Sharciga ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ee dhawaan Soomaaliya ka dhaqangalay.

Dowladdu faahfaahin intaas dheer kama bixin meelaha laga soo qabtay Lacagta, muddada uu socdey hawlgalka lagu soo qabtay iyo halka ay ku danbeeyeen Dadkii lagu qabtay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading