DFS oo qorshaynaysa in SL laga xakameeyo dhanka Ganacsiga

Waxaa jira warar sheegaya in Villa Somaliya iyo Djibouti oo wada shaqaynaya ay diyaarinayaan qorshe Labaad oo Somaliland looga xayirayo dhanka Ganacsiga.

Qorshaha ay qaadayaan,ayaa ah in ay Internet Somaliland isticmaasho ee laga soo talaalay Djibouti ay Somaliya Gacanta si fudud ugu dhigto,iyadoo Shaqaalaheeda Muqdisho gayn doonta Djibouti oo ah halka laga soo jiiday xariga Internet ka ee guud ahaan laga isticmaalo Somaliland.

Sidoo kale Shirkadaha Ganacsiga caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah oo dhan,gaar ahaan Xawaaladaha ayay ku khasbayaan in ay kasaaraan adeega Magaca Somaliland Shirkadahooda ka shaqeeya gudaha Somaliland.

Waa talaabo kale oo SL xakamaynaysa oo caqabad ku ah raadinteeda Jamhuuriyad ka Madaxbanaan Somaliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading