DFS oo sheegtay in si kutala gal ah loo dilay Guddoomiyihii Degmada Hodan

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada waxaa ay sheegtay in si ku talo gal ah loo dilay Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun, kaddib markii Guddigii loo xilsaaray baritaanka dhacdadii lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan ay wareejiyeen natiijada barotaankoodii.

Xeerillaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamadda Janeraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa sheegay in baritaanka kiiska la soo geba-gabeeyay, isla markaana Maanta oo Axad ay bilaabaneyso gudbinta dacwadda si loo muddeeyo waqtiga la qaadayo.

Xeer Ilaaliyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in geb-I ahaan la soo geba-gabeeyay baariaanka sida uu u dhacay dilka Guddoomiyihii degmada Hodan, isla markaana si ku talo gal ah lo dilay.

21-kii Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayaa Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya waxaa au xlli habeen ah rasaas ku fureen gaari uu saarnaa Guddoomiyihii degmada Hodan xilli uu marayay Isgoyska loo yaqaan Jid Mareexaan, mid kamid ah rasaasta oo haleeshayna uu u geeriyooday.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading