Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa hakisay isku imaatinka shaqaalaha iyo xaadirintooda si looga fogaado faafidda cudurka Covid-19.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo loo diray Shaqaalaha dowladda ayaa waxaa la faray dhamaan Hay’adah dowladda & Shaqaalaha rayidka in ay yareeyaan isku imaatinkooda ayna ku Shaqeeyaan Guryahooda, iyaga oo adeegsanaya Barahooda Internet-ka, hayeeshee Agaasimayaasha iyo inta aan laga maarmi Karin ay yimaadaan xarumaha Shaqada.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.