DFS oo taageero u muujisay Boqorka Urdun

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay boqor Cabdallaha Urdun kadib tallaabada lagu xiray walaalkii Amiir Xamza bin Xuseen oo lagu eedeeyay in uu qalalaase iyo qas ka abuuri rabay halkaas.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay “Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go’aanada uu qaaday boqor Cabdalla Bin Xuseen ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada”

Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal oo uu u soo diray BBC-da, kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galilyay.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda Urdun musuq maasuq iyo maamul xumo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading