DFS oo war kasoo saartay dhalinyaro lagu dilay rabshada Koonfur Africa (VIDEO)

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay walaac ka muujisay rabshadaha iyo bililiqada ka socota Koonfur Afrika gaar ahaan dilka ay burcad hubeysan ugu geysteen afar qof oo Soomaali ah, kuna dhaawaceen kuwa kale. Buracadda ayaa sidoo kale boobay goobo ganacsi oo ay Somaali leeyihiin.

Soomaaliya ayaa ugu baaqaysa in Dowladda Koonfur Afrika ay ku dadaasho ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo loo geeysano falalka arxan darrada, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Dowladda South Africa in ay xoogga saarto sida ugu habboon ee ay kooxaha burcadda iyo tuugada uga ilaalin laheyd muwaadiniinta Soomaalida iyo ganacigooda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading