Dhagax-Dhiga Wajiga Labaad Ee Dhigista Carakaawada IYO Interlock-ga Suuqa Xero Dayax.

Galkacyo, 04 Maarso 2025; Duqa Degmada Galkacyo, Maxamed Cabdirisaaq Warsame, oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha cabdiraxmaan Khalif Faarax, & Masuuliyiin ka socotay Guddiga Ganacsatada Suuqa ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay wajiga labaad ee dib u hagaajinta suuqa Xeero Dayax ee dhigista carakawada iyo interlock-ga masaafo dhan 6800m oo isku-weer ah, Mashruucan oo iska kaashanayaan Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL iyo ganacsatada suuqa ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo ganacsiga iyo bilicda magaalada.

Wajiga labaad ee dhismaha suuqa oo hadda lagu bilaabay dhigista carakaawaga iyo interlock-ga, taasoo sare u qaadeysa bilicda iyo waxtarka suuqa, si gaar ah caqabadihii hore ee suuqa ka jiray, gaar ahaan biyaha roobka oo fariisan jiray, taasoo sababtay burbur iyo ciriiri dhanka isu socodka ah.

Munaasabadda dhagax-dhiga oo ka dhacday bartamaha suuqa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, isu-duwayaal, ganacsato kala duwan iyo masuuliyiin kale.

–𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃–

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA EE DOWLADDA HOOSE DEGMADA GAALKACYO.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading