Dhagayso:-Daacish Oo sheegtay weerarkii lagu dhaawacay Talyaha Saldhiga Bartamaha Bosaso

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa fiidnimadii xalay waxay toogasho ku
dileen hal qof oo shacab ah, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay
Taliye ku xigeenka Saldhiga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle
Cabdiraxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla isgoyska
Afar irdood ee magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan. Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay weerarkaas iyagu gesteen,hoos ka dhagayso codka.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading