Dhagayso:-Dhalinyaro tiro badan oo lagu xirxiray Magaalada Jigjiga

Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia ayaa lagu eedeeyey xariga in ka badan 40 dhalinyaro ah oo laga qabqabtey Labadii Cishe ee lasoo dhaafay magaalada Jigjiga.

Dadka deegaanka ayaa arinkaasi cabasho xoogan ka muujiyey oo sheegay in dhalinyaro aanan siyaasad ku shuqul lahayn laga dhex qabqabtey magaalada iyo guryahooda.

Abshir Axmed Shabeel oo ka mid ah dadka deegaaanka Somalida Ethiopia ayaa Sahra Cabdi Axmed ay ku waraysatey khadka telefoonka ee dalkaasi Ethiopia.

Dhinaca kale, masuuliyiinta dowlada deegaanka Somalida Ethiopia, ayaa ayaguna sheegay in arinkaan uusan waxba ka jirin. Wasiirka Warfaafinta maamulka Somalida Ethiopia Idiris Ismaaciil oo saxaafada la hadlay ayaa beeniyay eedayntan,hoos ka dhagayso codka Wasiirka.

 

 

Halkan hoose ka dhagayso codka Wasiirka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading