Dhagayso:-Dood adag oo ku saabsan”Maakhir sow gef kuma ahan Shirka Jasiira Hotel”

Dooda aan Xalay qabanay ee ku saabsanayd Siminaarka Hotel Jasira Xamar,waxaa kasoo baxay oo ay dul istaageen Dadkii kasoo qaybgalay ee kasoo jeeday Sanaag iyo PL -ta kale…..

1.In Beesha Warsangeli Xaal la siiyo oo lagu gafay.

2.In Beesha Warsangeli aysan ahayn Dad kooban oo Hotel ku Shiri kara.

3.In Beesha Warsangeli leedahay Deegaan balaaran oo ay ku Shiri karto oo aysan ahayn Barakacayaal Hotel Xamar ku yaal lagu Shiriyo.

4.In Beesha Warsangeli leedahay Saldano Dhaqan oo soo jireen ah iyo hormuud Siyaasadeed oo Taladu ka go’odo.

5.In Toboneeyo Siyaasiyiin ah oo Shaqadii ka dhamaatay aysan Madax goosan karin Beesha Warsangeli.

6.In Beesha Warsangeli Guriga taladeedu taalo uusan iclaamin tabasho iyo dhaliil ay uhayaan Maamulka PL.

7.In Beesha Warsangeli 1998-deedii PL Qayb Lixaad leh wax uga dhisatay,isla markaana Doorashadii Qof iyo Cod kusii xoojisay lahaanshaheeda PL.

8.In Siminaarka Shaqo doonka ah ee Hotel Jasiira aysan agtiisa tagin Siyaasiyiintii iyo Dhaqankii macnaha lahaa ee Beesha Warsangeli sida….

1.Afartii Gudoomiye Baarlamaan ee udanbeeyay,Ilko jiir.

2.Guud ahaan Salaadiintii Dhaqanka ee Beesha.

Isku soo wada duuboo Shaqo doon Siyaasadeed ma’ahan Matalaad Sanaag.

 

Halkan ka Dhagayso Dooda:-

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading