Dhagayso:-Odoyaasha Beesha Ciise Maxamuud”Ciise lalama shaqayn karo oo laguma shaqayn karo garowe mahan sax waxa dhacayana mahan wax Ciise ka yimid ee waa waxmayaqaan ficilkiis”

Qaybo ka mid ah waxgaradka  Gobolka Nuugaal ,gaar ahaan kuwa Beesha Ciise Maxamuud ayaa si adag uga hor yimid isbaarada ay dhigteen Ciidamada lasoo abaabulay ee lagu sheegay in ay mushahaar la’aan yihiin.

Odoyaasha hadlay ayaa yiri”waxaan leenahay Ciidanoow idinkoo u dhaartay difaaca Puntlad ma ahayn in aad idinku isbaaro u dhigataan oo jidgooyo ku samaysaan dadkii awalba abaartu baabi’isay ee ahaa Hooyooyinka iyo caruurta”

”Ciise lalama shaqayn karo oo laguma shaqayn karo garowe mahan sax waxa dhacayana mahan wax Ciise ka yimid ee waa waxmayaqaan ficilkiis,mushahaar la’aan mahan waxa askartan la qaylinayso ee waxkalaa jira”ayuu yiri mid ka mid ah nabadoonada hadlay.

Sidoo kale waxay waxgaradku muujiyeen sida aadka u xun ee ay uag damqanayaan ceebta ays oo jiideen askartaa jid gooyooyinka dhiganaysa,hoos ka dhagayso codka waxgaradka.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Odoyaasha


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

1 Comment on "Dhagayso:-Odoyaasha Beesha Ciise Maxamuud”Ciise lalama shaqayn karo oo laguma shaqayn karo garowe mahan sax waxa dhacayana mahan wax Ciise ka yimid ee waa waxmayaqaan ficilkiis”"

  1. Farriinta odayaashu Faroole iyo Faarax ha gaarto

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading