Dhagayso:-Shariif Xasan oo soo dhaweeyay xayiraada laga qaaday Mukhtaar Rooboow

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa soo dhaweeyey liiska argagixisada ee Mareykanka uu ka saaray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sharif Xasan ayaa sheegay in tallaabadaas ay wax weyn ka beddeli karto in amni lagu soo dabbaalo gobollada Koonfur Galbeed.

Shariifka ayaa dhinaca kale sheegay in haddii Abu Mansuur uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya ay noqon lahayd arirn wanaagsan, wuxuuna sheegay inuu la xiriir doono uu la hadli doono,hoos ka dhagayso waraysiga Madaxweyne Shariif Xasan.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Shariif Xasan


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading