Dhagayso:-Somaliland oo ka hadashay qoondada Dekeda Berbera ee itoobiya

Somaliland ayaa faah-faahisay sida loo kala qeybsaday faa’iidada kasoo baxeysa dekedda magaalada Berbera.
Maalmihii lasoo dhaafay waxa magaalooyinka Somaliland aad loo hadal hayay in 19% faa’iidada ka soo baxaysa dekedda magaalada Berbera qayb ahaan loo siiyay dawladda Itoobiya.

Warkan ayaa soo baxay markii Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay ee DP WORLD oo ballaadhin ku samaynaysa dekedda Berbera ay dorraad la wareegtay.

Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa VOA u sheegay in saamiga la siiyay Itoobiya aanay ahayn mid ay Somaliland bixisay.

Waxaanu sheegay in sharciyan ay shirkadda DP WORLD oo saamigaasi siisay Itoobiya ay xaq u leedahay inay bixiso,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.

 

 

Halkan ka dhagayso codka afhayeenka sl

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading